Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo la gaarsiiyay agab loogu tala-galay la socodka Isbeddelka Cimilada

Recommended Posts

Deeq A.   

.Wefdi uu hoggaaminayo sii hayaha Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Kismaayo ka dajiyay agab lagula socdo cimilada iyo tilmaamayaasheeda.

Wasiir  Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in agabkan uu muhiim u yahay dowlad gobaleedyada si hey’addaha ay awood ugu helaan in ay sii ogaadaan halisyada ku soo fool leh.

Wasiirka ayaa sheegay in iyada oo laga jawaabayo baahiyaha hadda taagan ay hadana muhiim tahay in laga fakero sidii loo xoojin lahaa dhismaha hey’addaha si ay  u yaraato saameynta ay musiibooyinka mustaqbalka.

Dhinaca kale masuuliyiinta wasaaradda qorsheynta dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay agabkan ay gaarsiisay wasaaradda.

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo la gaarsiiyay agab loogu tala-galay la socodka Isbeddelka Cimilada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this