Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo afar qof ku toogtay fagaare ku yaalla gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee K/Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo shaafay Al-Shabaab ay afar nin ku toogteen deegaanka Ceel-Cadde ee gobolkaasi.

Afarta nin ee la toogtay ayaa waxaa lagu eedeeyey inay ahaayeen basaasiin u shaqeeya dowlada Soomaaliya, Mareykanka iyo Itoobiya.

Fagaaraha lagu toogtay sidoo kale waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo boqolaal dadweyne ah.

Halkan hoose ka aqriso magacyada Ragga la toogtay.

1- Diini C/Qaadir Maaxamed oo ay ku eedeyeen in uu u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka

2- Ciise Cismaan Geelle  oo si gaar ah ay dagaalamayaasha Al-shabaab ugu eedeyen in ka mid ah sirdoonka Itoobiya .

3- Aadan Xasan Max’med waxaa ay sheegeen in uu ka mid ah sirdoonka dowladda Soomaaliya.

4- Cabdi Casiis Xasan Cabdi oo isna ay sheegeen Shabaab in uu u shaqaynayay dowlada Federaalka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this