Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo weeraro culus la beegsaday Saldhigyo ku yaalla Gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   
1-23.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1Sawir hore Ceelsaliini

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in Xalay weerar culus Al-shabaab la beegsatay Xerada Lama-galaay oo saldhig u ah Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goob-joogalayaa ku sugan Beledweyne ayaa laga soo xigtay in ay Xalay Rasaas xooggan oo ka maqleen gudaha Xerada Lama-galaay kadib markii Al-shabaab weerar qorshaysan ku qaadday Ciidamada Dowladda ee ku sugan Xeradaas inkastoo Khasaaraha ka dhashay aan weli la xaqiijin.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa la sheegay in ay  isla xalay weerareen Saldhiga Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan halkaas oo dagaal saacado socda ku dhexmaray labada dhinac.

Weerarka Halgan oo madaafiic ku bilowday ayaa Ciidamada Itoobiya kaga jawaabeen Hubka culus inkastoo aan faahfaahin laga gelin Khasaaraha kala gaaray dhinacyada dagaallamay.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo weeraro culus la beegsaday Saldhigyo ku yaalla Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this