Sign in to follow this  
Deeq A.

Africom oo shaacisay inay duqeyn ku dishay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Howlgalka Mareykanka u qaabilsan Qaaradda Afrika ee loosoo gaabiyo AFRICOM waxa ay ku faah-faahiyeen duqeyn diyaaradaha nuuca duulliye la’aanta ay ka geysteen Koofurta Soomaaliya.

Si gaar ah waxa ay duqeytaas uga dhacday Degmada Kuntuwaarey Gobolka Shabeelaha Hoose oo 14-kii Bishaan Agoosto Ciidamada gaarka ah ee kumaandooska DANAB ay ka qabsadeen Al-Shabaab.

Weerarka ayaa dhacay Khamiistii oo ku beegneed 20-ka Agoosto 2020, Taliska AFRICOM ayaa shaaciyay in ay ku dileen xubin katirsan Al-Shabaab, halka ay burburiyeen Gaari oo uu watay qofka la duqeeyay.

AFRICOM ayaa xaqiijisay in aysan jirin waxyeelo dhimasho ama dhaawac ah oo gaartay dadka rayidka ah ee ka dhawaa goobta bartilmaameedka weerarkooda duqeynta ahaa, taasina ay ku ogaadeen baaris ay sameeyeen.

Gen. Joel Tyler Madaxa howlgalada AFRICOM waxa uu sheegay in ujeedka weerarka uu ahaa in laga hortago khatarta Al-Shabaab Mareykanka iyo saaxiibadiisa Gobolka sida Dowladda Federaalka iyo AMISOM.

Fulinta howlgalkaan waxa uu talisku sheegay in ay gacan ka siisay Dowladda Federaalka, xog iyo xuuraansi kadibna ay ku dhaqaaqeen fulinta weerarka duqeynta ah oo ay geysteen diyaaradaha Duulliye la’aanta ah (Drones).

Image

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this