Deeq A. Posted August 21, 2020 Maareeyaha hay’adda duulista rayidka, Mudane Axmed Macalin oo u warramay warbaahinta ayaa amar culus dul-dhigtay diyaaradaha Qaadka ka keena dalalka Kenya & Itoobiya. Axmed Macalin ayaa sheegay in marnaba aysan Soomaaliya soo geli karin diyaarad Qaad sida, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay gabi ahaan dalka ka mamnuucday. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay jiraan diyaarado qaar oo si qarsoodi ah Qaadka ku soo galiya Muqdisho, balse ay ka qaadi doonaan tallaabo adag, sida uu hadalka u dhigay. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo horey dowladda Soomaaliya ay hawada Somaliland iyo Puntland uga celisay diyaarado Qaad siday oo ka soo kicitimay Kenya & Itoobiya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites