Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada PMPF oo hub iyo maxaabiis ka qabsaday Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimadda Online) – Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay degaannada Galgala & Bali-Khadar ee Gobolka Bari, halkaas oo ay ku yaalaan saldhigyo ay leeyihiin Ciidamadda Difaaca Puntland.

Taliska Ciidamada tababarka gaarka ah qaba Dowlad Goboleedka Puntland PMPF ayaa sheegay in saraakiil katirsan Al-Shabaab oo qorsheeyay weeraro ay ku qaadaan Saldhigyo ciidamadooda ku sugan yihiin in ay kahor tageen.

Taliyaha Ciidamada PMPF-ta Puntland Baari Salaad Axmed ayaa sheegay inay Ciidamada iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen.

Waxaa uu sheegay in ilaa 10 dagaal yahan ay ka dileen Al-Shabaab sidoo kalena ay nolosha ku qabteen Xubno kale, waxaana uu intaasi raaciyay hadalkiisa in Ciidamada Puntland ay ku jiraan feejignaan amniga la xiriira.

“Weerar ayay ku ahaayeen Balli-Qadar iyo Galgala, dagaal ayaan la galnay oo 10 KM ayaan eryanaynay, hub ayaan kasoo furanay, waxaana gacanta ku dhignay xubno duulaankooda qayb ka ahaa oo aan soo bandhigeyno, meesha dagaalka xooggiisa wax uu ka dhacay Deegaanka (Habar-hagoogle) oo dhanka Koofurta ka xiga Galgala” ayuu yiri Taliye Baari Salaad.

Ururada AL-Shabaab iyo Daacish ayaa si weyn ugu xooggan Degaannada Buuraleyda ah ee Gobolka Bari halkaas oo ay ka geysteen weeraro khasaaro geystay, mana jirto illaa hadda koox sheegatay dagaalka ka dhacay Galgala.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this