Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Baaritaanka weerarkii Xabsiga Dhexe Oo Lasoo Gebagabeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddigii loo xil saaray baaritaanka weerarkii xooganaa ee August 1o ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, ayaa kulan ay maanta la yeeshay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, waxayna kusoo bandhigeen warbixin ku saabsan natiijada baaritaankii ay sameeyeen.

Guddiga ayaa intii ay baaritaanka wadeen waxay ogaadeen in August 08, 2020 gudaha xabsiga la geliyay hub sidoo kalana August 10, 2020 la geliyay rasaas dheeraad taas oo horseeday inay maxaabiis gudaha ku jirtay ay awood u yeeshaan inay gudaha xabsiga ay weerar ka fuliyaan.

Hubka oo ay ku jireen bastoolado iyo bambooyin lagu dhex qariyay hilib iyo jawaan liin ay ku jirto, sida lagu sheegay warbixinta guddiga.

Dhacdadan ayaa sidoo kale loo xiray 27 ruux oo ay kamid yihiin 12 ciidanka asluubta ka tirsan oo saraakiil ay ku jirto 6 ruux oo shacab ah iyo 9 kamid ah maxaabiistii xukuneyd oo iyagu qeyb ka qaatay weerarkii ka dhacay gudaha xabsiga ee Xamar.

Saraakiisha iyo ciidanka asluubta ee arrintaan loo xiray oo ay ka mid yihiin taliyaha xabsiga dhexe iyo ku xigeenkiisa ayaa lagu eedeeyay inay fududeeyeen weerarka ama ay sameeyeen dayacaad iyo xil gudasha la’aan mas’uuliyadii ka saarneyd sugidda amniga maxaabiista iyo mawaadiniinta kale.

Guddigu waxay caddeeyeen in maadaama uu soo dhamaaday baaritaankii ay sameeyeen ay arrinta ku wareejiyeen xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

vlcsnap-2020-08-19-09h57m07s665.png vlcsnap-2020-08-19-09h57m13s495.png vlcsnap-2020-08-19-09h57m19s456.png vlcsnap-2020-08-19-09h57m26s005.png vlcsnap-2020-08-19-09h57m31s304.png

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this