Sign in to follow this  
Deeq A.

General Indha Cadde oo shaaciyey in la fududeeyey weerarkii hotel Elite

Recommended Posts

Deeq A.   

General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay xaaladaha ammaan ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Indha Cadde ayaa wereysigan ku soo qaaday weerarada ka dhaca Caaismadda, gaar ahaan midkii lagu beegsaday hotelka Elite ee magaalada Muqdisho.

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) ayaa sheegay in weerarkaasi la fudeeyey, islamarkaana loo baahan yahay in la sameeyo baaritaan ku aadan dhacdadaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay xilligan ay awoodaan inay weeraraan goob kasta oo bartilaameedkooda ah, wuxuuna sabab uga dhigay in laga gaabiyey culeyskii saarnaa, siiba dagaalka lagula jiro, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in isla xisbaantan dhab ah lala sameeyo saraakiisha hay’adaha amniga, si wax looga weydiiyo dhacdooyinkaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maalin ka hor weerar lagu qaaday hotelka Elite oo ku yaalla meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, kaas oo geystay khasaare badan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this