Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Galmudug oo baaq u diray Axmed Madoobe & Deni

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo xalay saqdii dhexe shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa shaaciyey in uu furmay wajiga koowaad ee shirka Dhuusamareeb 3, kaas oo hadda madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada qaarkood ay u joogaan halkaasi.

“Maanta waxaa noo furmay Shirkii Dhuusamareeb 3 oo aan isala falanqeeynay qorshaha ay noo soo gudbiyeen guddiga farsamada doorashada, iyada oo madaxdu ay isku af-garteen qodobbo badan oo ku aaddan doorashooyinka dalka. ‘Sida aad wada ogsoontihiin waxaa illaa hadda nagala soo qayb galay furitaanka Shirka Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Madaxweyneyaasha Dowladda goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.”

Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor waxa uu sheegay in ay bilaabeen falanqeynta iyo ka doodista nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dabayaqada sanadkaan. Madaxweynuha Galmudug waxa uu baaq u diray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo aan wali soo gaarin  madasha shirka, isagoo ka codsaday in reer Galmudug ay ku qadariyaan gogosha ay dhigeen.

“Walalayaal waa idin sugeynaa, noo imaada, shirka inaad ka soo qeyb gashaan ayaa rajeynayaa, oo aad tixgelisaan oo  qadarisaan gogosha reer Galmudug,” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Ugu dambeyntii waxa uu madaxweyne Axmed Qoor Qoor raja ka muujiyey  shirka in ay ka soo baxdo natiija wanaagsan, Soomaaliduna ay ku heshiin doonto nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this