Deeq A. Posted August 18, 2020 (SLT-Hargeysa)-Ciidanka Dab-damiska ee magaalada Hargaysa, ayaa Hooyo ku foolanaysay deegaanka Abaarso ka soo qaaday iyadoo ciidanku soo gaadhsiiyay Cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa , gaar ahaan qaybta umulaha. Nasiib wanaag markii Hooyadaas ciidanku soo gaadhsiiyay cisbitaalka ayaa ay ku umushay goobtii. Ciidanka ayaa ILLAAHEY ku guuleeyay in hooyadaas si deg deg ah u soo gaadhsiiyaan cisbitaalka guud ee magaalada. Ugu dambayn Ciidanka ayaa ka qayb qaata arrimaha bini’aadanimo ee sida maalinlaha ah u dhaca, ee u baahan in wax laga qabto, Isla markaana laga soo dalbado qolka hogaaminta ciidanka Dab-demiska. Source Share this post Link to post Share on other sites