Deeq A. Posted August 18, 2020 Beesha Caalamka oo cadaadis dul-dhigtey Farmaajo Warar ilo xog-ogaal ah oo Warbaahintu heshay ayaa sheegaya in uu socdo dedaalo lagu badbaadinaayo shirka Xukumada farmaajo iyo Maamul-goboleedyada xubnaha ka ah. Ergayga Qaramada Midoobey Soomaaliya u fadhiya James Swan iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa xidhiidh kala duwan la sameeyey Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Dowlad goboleedyada, waxaanay wadaan in la helo hab shirku dib ugu bilaabmi karo. Beesha Caalamka ayaa hadda cadaadiska ugu weyn dulsaartey saacadihii la soo dhaafey Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay ka dalbedeen in uu Muqdisho ku soo laabto, saacadaha soo socda si ay shir ugu wada qaataan, wararka diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo laga dalbadey in uu magacaabo raysal-wasaare, sidoo kale shirka soo socda laga qaybgeliyo shirguddoonka labada Aqal, si ay meesha uga baxdo dooda madaxweynaha ee ah baarlamaanka ayaan dib ugu celinayaa qorshaha doorashada ee la isla garto. Dhanka kale Puntland ayaa ku adkeysatey mowqifkeeda, waxaana ay ergada beesha caalamka u sheegeen in aan la aamini karin Madaxweyne Farmaajo, waxay sheegeen in wax shuruud ah aysan ku xidhin shirarkii hore, si niyadsan uga qaybgaleen, laakiin Madaxweynuhu dafiray wixii ka soo baxay shirkii Dhusuamareeb 2, sababta raysalwasaare Kheyre u rideyna ay tahay burburinta shirka loo balansanaa 15 Agoosto, isaga oo aan qarsana sheegay in aanu diyaar u ahayn heshiis uu galo. Sidoo kale warbaahinta ayaa ogaatey in maamulka Jubaland soo saaray war-saxaafadeed cusub & Mawqif ka adag kii Puntland,islamarkaana qaadacay Shirka Dhuuso-mareeb Qaran News Share this post Link to post Share on other sites