Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee loo soo afjaray weerarkii lagu qaaday hotelka Elite?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada amniga ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan weerarkii xooganaa ee shalay lagu qaaday hotelka Elite, waxayna soo badbaadiyeen dadkii ku go’doomay hotelkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in 205 oo qof isugu jira wasiiro, xildhibaanno iyo dad rayid ah ay soo badbaadiyeen ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran.

Taliyaha Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramacad, Farxaan Qaroole oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxa uu sheegay in howl-galka ay bilaabeen kadib markii dadka laga soo saaray, ayna toogteen dhammaan raggii hubeysnaa ee gudaha u galay dhismaha hotelka.

Sidoo kale wuxuu intaa ku daray in kooxda weerarka fuleysay ay ahaayeen 4 nin oo uu mid weliba ku hubeysnaa qoriga AK47.

Inta la’ogyahay waxaa illaa iyo hadda weerarkan ku dhintay ku dhowaad 20 qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this