Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo war kasoo saaray weerarkii Hotel Elite sheegayna ‘ujeed laga leeyahay’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray si weyn ugu cambaareeyey weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay hotelka Elite ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey ku dhawaaad 17 qof ayaa ku geeriyoodeen weerarka, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 30 qof oo kale.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ka tacsiyeeyey geerida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee argagixisadu ay sida gaadmada ah ugu laayeen mid ka mid ah hoteellada ku yaala Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay murugada uu leeyahay falkan arxan darrada ah maadaama cadowgu ay doonayaan in ay ku dhibaateeyaan kobaca amniga, dhaqaalaha iyo xasiiloonida Caasimadda oo dadaal badan la geliyey.

“Ujeedka ugu weyn ee argagixisadu ay u qaadayaan weeraradan gaadmada ah waa in ay niyad jabiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ka soo kabanaya duruufaha adag. Waa xaqiiq in qorshahoodu uu yahay mid lagu dhibaateynayo qof kasta oo Soomaaliyeed iyadoo la adeegsanayo qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee la marin habaabiyey.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle u weydiiyey caafimaad deg-deg ah dhammaan muwaadiniinta ku dhaawacmay weerarkan argagixisanimo, isagoona ugu baaqay shacabka in ay garab istaagaan walaalahooda ay argagixisadu dhibaateeyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this