Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay hotel Elite

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qarax gaari loo adeegsaday iyo weerar toos ah oo gelinkii dambe ee maanta lagu qaaday afaafka hore ee hotelka Elite ee magaalada Muqdisho, kaas oo ku yaalla Xeebta Liido.

Qaraxa ayaa lagu soo waramayaa in uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray dad shacab ah iyo mas’uuliyiin intaba.

Dadka dhintay waxaa kamid ah agaasimihii waaxda xiriirka gobollada ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ,Marxuum Cabdirisaaq cabdullaahi Cabdi.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka tacsiyadeeyey geerida agaasimihii xiriirka gobolada ee wasaaradda Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi oo ku dhintay weerarkaasi.

Sidoo kale dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Washiton, Sawirqaade Maxamad Caraaye Foorno oo kavtirsan Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed iyo Fanaanad Faiza Beela oo ka mid ah Kooxda Heegan.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana goobta ka socda howl-gal lagu soo afjarayo weerarka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this