Deeq A. Posted August 16, 2020 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhoweyd ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho Qaraxa oo ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay afaafka ee hoteelka Elite oo ku yaalla xeebta Liido, degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay qaraxaasi, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soonaaliya. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana meesha uu qaraxa ka dhacay laga maqlayaa rasaas. Faah faahinta kala soco:- radioshabelle.com. View the full article Share this post Link to post Share on other sites