Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid ka mid ah Shabaabkii fuliyey weerarkii X/Dhexe oo xogo muhiim ah bixiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Mustaf Sandheere, oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab islamarkaana hore u dhameystay 5 sano oo xabsi ah, sidoo kalane markii uu dib ugu laabtay Al-Shabaab markale la soo qabtay ayaa kamid noqday kooxdii ka qeyb qaadatay weerarkii Xabsiga dhexe.

Sandheere oo ku dhaawacmay weerarkaas ayaa saraakiisha ammaanka siiyay xogo muhiim ah waxaana la soo xiray 6 qof oo ka tirsan xabsiga dhexe.

Ninkaan ayaa dalbaday heshiis ah in aan loo celin xabsiga dhexe oo la geeyo goob kale, si uu u dhiibo warar qarsoodi ah oo ammaanka ku saabsan. Sidoo kale waxa uu sheegay inuu cabsi ka qabo haddii xabsiga dhexe lagu sii hayo in la dilo waxayna taasi sababtay in loo wareejiyo xerada ciidanka Asluubta ee KM7, oo ku taalla agagaarka Ex Control Afgooye.

“Sagaal qof ayaa la xiray 6 kamid waxaa sheegay Sandheere, waxeyna ahaayeen dad aan laga filaneyn falkaas, si faah -aahsan ayuu u hadlay, laakiin lama hubo waa la baarayaa iyaga dhan,” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan ciidanka Asluubta Soomaaliya.

Sidoo kale Sarkaalkaan ayaa sharci darro ku tilmaamay Sandheere oo Shabaab ah loo wareejiyo xabsiga KM7, isagoo sheegay in halkaas ay aad uga dabacsan tahay Xabsiga Dhexe, islamarkaana uu ka baxsan karo.

Weerarkii Xabsiga dhexe ee dhacay Isniintii todobaadkaan ayaa u muuqda in ay ka qeyb qaateen xubno muhiim ah oo ka tirsan ciidanka iyo saraakiisha ciidanka Asluubta Soomaaliya, waxa uuna noqday hadal heynta ugu weyn ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this