Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha caalamka oo war cusub ka soo saartay doorashada 2020/2021

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo ka soo baxay saaxibada beesha caalamka ayaa  looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan doorashada.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay muhiim tahay in la qabto wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb, si heshiis rasmi ah looga daaro  doorashada 2020/2021-ka.

Sidoo kale beesha caalamnka ayaa ka digtay in laga fogaado go’aan kasta oo hal-dhinac ka raran oo ku saabsan doorashada.

Halkan hoose ka akhriso:

Waxaa lagama maarmaan ah in la dhowro kalsoonidii dhowaan la abuuray ee madaxda ka dhexeysa iyo la sii wado geeddi-socodka isfaham-dhisidda ee billaabmay intii la joogay shirweynihii hore ee Dhuusamareeb si ay Soomaaliya ugu sii socoto waddo siyaasadeed oo xasilloon.

Haddii cid ka mid ah madaxdu uu ka qaybgeli waayo shirweynaha soo socda waxay baabi’in doontaa kalsoonida weli jilicsan, waxay wiiqi doontaa geeddi-socodka isfaham-dhisidda, waxayna hoos u dhigi doontaa inuu kulanku awood u yeesho in lagu gaaro go’aamo la hirgelin karo. Iyadoo saddex bilood keliya ay ka hartay taariikhda bisha Nofeembar ee la qorsheeyay inay dhacaan doorashooyinka federaalka ee sannadka 2020, iyo iyadoo afar bilood keliya ay ka dhiman tahay inta uusan dhammaanin xilli xileedka Baarlamaanka Federaalka 10aad, saamilleyda Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay si degdeg ah ugu heshiiyaan wixii la qaban lahaa si horey loogu socdo, iyo gaar ahaan hanaanka doorashada, oo dib u dhac dheeraad la’aan ah.

 

Hawsha guddiga farsamada ee loo xilsaaray inuu ka soo baaraandego soona diyaariyo talooyinka hanaanka doorashada ee ay madaxdu isla qorfeyn doonaan ayaa lagama maarmaan u ah guusha shirweynaha la sugayo. Waxaan ka walaacsanahay in qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka aan weli guddiga u soo dirin wakiilladooda. Waxaan ku boorinaynaa inay wakiilladooda u ogolaadaan inay ka qaybqaataan hawsha guddiga, oo durbaba la billaabay, inta ay sii wadaan wadahadallada ay kula jiraan hoggaanka Dowladda Federaalka si loo xalliyo arrimaha weli taagan.

Waxaan xusuusanaa in muddadii la jooga shirweynihii hore, ay madaxdu ku heshiiyeen inay lagama maarmaan tahay inay dalka ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo dhammaan saamilleyda qancisa lana hirgelin karo. Sidaa daraadeed, guddiga farsamada waa inuu diiradda saaro inuu dejiyo xulashooyin laga xulan karo si loogu heshiiyo qaab doorasho oo lagu gaaray isutanaasul, si loo qanciyo dhammaan saamilleyda.

 

Waxaan mar kale adkeynaynaa, sidaan horeyba ugu sheegnay baaqyadeenii hore iyo wadahadallada hadda noo socda ee aan la leenahay dhammaan saamilleyda, in qaab doorasho kasta oo uu si qasab ah ku mariyo mid keliya oo ka mid ah saamilleyda, ama qaar yar oo ka mid ah saamilleyda, iyadoon ogolaansho laga helin dhammaan saamilleyda, uusan yeelan doonin sharciyad dalkana laga hirgelin karin.  Waxaan haddana adkeynaynaa, maadaama uu nagu soo foolleeyahay dhammaadka xilli xileedka Baarlamaanka 10aad, in talada wixii la qaban lahaa si horey loogu socdo, ay ku heshiiyaan dhammaan saamilleyda, oo ay ka midyihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo xisbiyada siyaasadda. Waa inuusan hal saamilley oo keliya, oo uu ku jiro sharcidejiyaha laftiisa, qaadanin go’aan keligiis ah oo uu ku kordhiyo xilli xileedka Baarlamaanka 10aad ama laanta fulinta federaalka.

Waxaan diyaar u nahay inaan taageerada lagama maarmaanka ah siino qabashada shirweynaha Dhuusamareeb ee soo socda iyo hawsha dhabta ah ee guddiga farsamada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this