Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku wajahan Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, uu Madaxweyne Farmaajo maanta tegi doono magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareega labaad ee shirka wadatashiga.

“Iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, horena loogu sii dhaqaajin lahaa wada hadalladii socday, ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u safri doonaa maanta magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashiga”ayuu yiri agaasime Cabdinuur.

Shirka Dhuusamareeb oo la filayey in maanta uu furmo ayaa dib u dhacay, balse waxaa lagu wadaa inuu bilowdo maalmaha soo socda, kaas oo diirada lagu saaray doorashada 2020/2021-ka

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this