Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay deegaanka Kuntuwaarey

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada milatariga Soomaaliya ay la wareegeen deegaanka Kuntuwaarey oo ka tirsan gobolkaasi.

Ciidamada oo howl-gallo ku qaaday deegaano u dhexeeya degmooyinka Afgooye iyo Marka ayaa la wareegay gacan ku heynta Kuntuwaarey oo saldhig ay ku lahaayeen Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-Shabaab ay xalay saq-dhexe ka baxeen deegaankaasi, kadib markii ay ka war-heleen dhaq-dhaqaaqyada ciidamada Xoogga dalka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay howl-gallo ka sameeyeen deegaankaasi, kuna soo qab-qabteen dad lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo milatari laga dareemayaa qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this