Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo shaacisay natiijada imtixaankii fasalada sideedaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Makadaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo xubo ka tirsan golaha wasiirada ayaa ka qeyb-galay xaflad ka dhacday magaalada Dhuusamareeb oo lagu shaacinayay natiijada imtixaankii fasalada sideedaad ee dugsiyada maamulkaasi.

Munaasabadaan oo lagu shaaciyey natiijada imtixaanka qaran ayaa waxaa soo qaban qaabiyay wasaaradda waxbarashada Galmudug,waxaana ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan.

Wasiirka waxbarashada galmudug Maxamed Xaashi Dhoore ayaa ugu horreyn waxa uu ka warbixiyey sida imtixaanka Ardaydu u gashay iyo sida kaalimaha loogu kala sareeyey.

Wasaarada waxbarashada galmudug ayaa ku guulaysatay in deegaannada Galmudug iskuulada ku yaal ay ka qaado imtixaan mideysan kaasi oo arday ka badan laba kun ay u fariistaan sanad dugsiyeedka 2019-2020 waxaana kaalimah sare galay ilaa toban Arday.

Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug oo munaasabada soo gabagabeeyey ayaa sheegay in madaxda galmudug ay muhiimada siineeyso waxbarashada deegaannada galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this