Sign in to follow this  
Deeq A.

Kamala Harris oo durba weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Donald Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

Kamala Harris oo durba weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Donald Trump

kamala.jpg

Gabadha uu u xushay musharraxa madaxweyne ee dalka Mareykanka ee xisbiga dimuqraaddiga Joe Biden ayaa maalin ladib xulashadeeda waxaa ay weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha iminka talada dalkaasi Haya ee Donald Trum.

Kamala Harris oo olole doorasho xalay la qabatay Joe Biden ayaa ku sheegtay madaxweyne Trump mid isaga keliya iska fekera islamarkaana dadka iyo dalka uu masuuliyadda u hayo uusan xil iska saarin.

Waxaa ay ku eedeysay in xanuunkan COVID19 ee Mareykanka ragaadiyay uu si aan aan masuuliyadi ku dheehneyn uu u maareeyay madaxweyne Trump.

” – Xaaladda uu iminka dalku ku jiro waa mid khatar ah. Waxa alle iyo wixii aan shinsaneynay sida dhaqaaleheena, caafimaadka iyo caruurteena waa lagu ciyaarayaa. Waddan sidee ah ayaan ku noolnahay?”, ayay tiri ms. Kamala.

Waxa ay intaasi raacisay in ay ku jiraan xaaladdii ugu xumeyd ee caafimaad muddo qarni ah.

Waxa ay sheegtay in ay ka xuntahay in ay haystaan madaxweyne naftiisa keliya ka fekeraayo.

Dhanka kale madaxweyne Trump ayaa ku dhiisa weerar qoraal ah ku qaaday markii Kalama lagu dhawaaqay in loo xushay madaxweyne ku xigeen, waxaana qoraal uu sii dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegyay haweeneydaasi mid “nasty” ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this