Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir looga hadlaayo Doorashooyinka Dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir looga hadlayo Doorashada Soomaaliya iyo Hanaanka looga guuri karo doorashadii 2016-kii ka dhacday dalka ayaa lagu qabtay Garoonka Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ah talo wadaag iyo su’aalo waydiin toos u dhexmaraysa mas’uuliyiin katirsan Xisbiyada kajira dalka iyo Guddiga Farsamada ee Ka Baaraandeggidda Tallooyinka, Hanaanka & Habsami u socodka Doorashooyinka Dalka,waxaa doodaga dhinacyadaasi ay kusaleysan Doorasho Nooce ah ayaa ku habboon in laga hirgeliyo dalka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey u ansaxiyay Doorasho Qof iyo Cod balse waxaa markiiba uu sharcigaasi soo wajahay soo dhoweyn la’aan baaxad leh oo la xiriirta suurtagalinta daruufaha amniga ee ku xeeran ee waqtiga iyo sida ay u qabsoomi karto.

Shirar wadatashi oo ku aadan isla qaadashada doorasho loodhanyahay ayaa ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee Galmudug iyadoo wejigii sadexaad ee shirka wadatashiga Doorashada Soomaaliya loo ballansan yahay 15-ka bishan August oo ku beegan maalinta sabtida ee nasoo aadan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this