Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay degmada Waabari

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo marayey wadada 21-ka October, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaas uu ku dhintay hal qof oo arday ahaa, halka uu ku dhaawacmay mid kale.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, balse ma jiro illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo laga bixiyey qaraxa.

Inta badan Al-Shabaab ayaa qaraxyada noocan oo kale ah ka fuliya caasimadda, kuwaas oo geysta khasaare kala duwan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this