Deeq A. Posted August 13, 2020 Xaalad degga’naansho ah ayaa Saaka oo Khamiis ah laga soo sheegaya Degaanka Shabeellow oo ka tirsan Degmada Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug halkaas oo uu shalay ka dhacay dagaal xooggan. Dagaalkii shalay oo dhexmaray Malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab iyo Dadka Degaankaas waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen in ka badan 20 ruux oo dhinacyadii dagaallamay ah halka tiro kalena ku dhaawacantay. Bulshada Degaanka oo u badan xoola-dhaqato ayaa lagu soo warramayaa in ay si adag isaga difaaceen kooxda Al-shabaab oo doonayay in xoog ku qabsadaan Degaanka kadibna xarumo Ciidan ka samaystaan. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa markii dambe lagu khasbay in ay dib ugu laabtaan meelihii ay hore uga yimaadeen sida laga soo xigtay Dadka Degaanka Shabeellow iyo Nawaaxigiisa. PUNTLAND POST The post Xaaladda Degaanka Shabeellow oo saaka deggan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites