Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Khasaaraha ka dhashay dagaalkii qaraara ee maanta iyo guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo bilaawday

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Deegaanka Shabeelow oo 20-KM koofur-bari ka xiga deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug waxaa maanta ka dhacay dagaal aad u culus oo ka dhex qarxay Al-Shabaab iyo dadka deegaanka, waxaana dib uga biiray ciidamo ka socday qeynta 21-aad ee militeriga Soomaaliya.

Gabal dhicii galabta ayuu joogsaday dagaalkaas oo bilaawday waaberigii hore ee saakay, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Inta la xaqiijiyey 17-qof ayaa dagaalkaas uga dhimatay dhinacyadii dagaalamay, waxaana jira dhaawacyo intaas ka badan oo la kala gaarsiiyey xarumaha caafimaadka ee Gaalkacyo, Bacaadweyn iyo Xarardheere oo ay maamulaan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii dadka reer guuraaga ah ee ku nool koofurta gobolka Mudug ay ka biyo diideen bixinta waxa ay Al-Shabaab ugu yeeraan zekawaadka, sida lacag, xoolo nool iyo caruurtooda oo ay doonayaan inay askareeyaan.

Deegaanka uu dagalkaasi ka bilaawday ee Shabeelow, haatan waxaa maamulaya maleeshiyaadkii is abaabulay ee deegaanka iyo ciidanka xoogga dalka oo u gurmaday, waxaana laga saaray Al-Shabaab oo u ruuqaansaday dhanka degmada Xarardheere oo si buuxda ay u maamulaan.

Dhanka kale ciidankii ugu badnaa ayaa galabta ka baxay magaalada Dhuusamareeb, waxayna caawa gaareen deegaan lagu magacaabo Bulacle oo hoos taga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxaana deegaankaas horay u maamulayey oo galabta isaga baxay Al-Shabaab, kadib markii ay ka war heleen in ciidamadan ay ku soo wajahanyihiin.

Ciidamadan oo sida la sheegay la doonayo inay Al-Shabaab ka saaraan degmooyinka iyo deegaanada dhaca bariga iyo koofurta gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug ayaa waxaa galabta Dhuusamareeb ka sagootiyey Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi, iyaga oo u sameeyey dardaaran iyo dhiiragalin ku aadan, duulaan ay sheegeen in Galmudug ay deegaanadeeda ku xoreyneyso.

askari-militeri.jpgdagaal-beeleed-k.jpg dagaal-beeleed.jpg militeri-xoogga-dalka.jpg xoogga-dalka.jpgciid.jpg cali-ciid.jpg 117146962_607461756805180_22988473443972 a-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this