Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuxurka Kulan Dhex-maray Guddida Doorashooyinka Iyo Golaha Wakiillada Somaliland.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddida doorashooyinka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hortagay guddida Arrimaha Gudaha, Nabadgalyada iyo Difaaca ee Golaha Wakiillada Somaliland.

Kulankaas oo ay warbaahintu dibadjoog ka ahayd ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay guddoomiyaha guddidaas iyo guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka.

Guddoomiyaha guddida hoosaadka arrimaha gudaha, nabadgalyada iyo difaaca ee golaha wakiillada xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige (Cabdilaahi Balaaki) oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay xubnaha guddida doorashooyinka qaranka la yeesheen xogwaraysi  ku saabsan arrimaha doorashooyinka, shuruucda doorashooyinka iyo sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorashadu wakhtigeedii, isla markaana dhinacyada ay khusaysaa u fududeyn lahaayeen waxyaabaha ku xidhan, wuxuuna sheegay in ay isla qateen waxyaabo badan oo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka caqabadaha hortaagana laga qaado si doorashadu dalka uga qabsoonto.

Geesta kale, waxa isna markii kulankaasi soo dhamaaday halkaas ka hadlay guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Cabdirashiid Riyo-raac) oo u mahadceliyey guddida arrimaha gudaha, nabadgalyada iyo difaaca ee golaha wakiillada, isaga oo sheegay in ay ugu muhiimsanayd waxyaabihii ay guddidaas ka wada hadleen sidii loo dedajin lahaa qabsoomida doorashooyinka golayaasha wakiiladda iyo deegaanka, wuxuuna guddoomiyuhu intaas ku daray in ay ka wada hadleen xeerka doorashooyinka ee horyaala golaha wakiillada sidii goluhu waajibkiisa uga gudan lahaa. 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this