Sign in to follow this  
Deeq A.

Roob Xooggan Oo Dabaylo Wata Oo Khasaare Kala Duwan Ka Gaystay Degmadda Sallaxley

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Roob xoogan oo dabayl wata oo  Galabta ka da’ay Degmadda Sallaxley ayaa Khasaare kala duwan gaadhsiiyey Goobo dawladeed iyo Guryo dadweyne oo Ku yaala Magaaladda Sallaxley.

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Jaamac Xaaji Axmed  oo Khadka Telefoonka ugu waramay Wakaaladda Wararka Somaliland ee Solna ayaa sheegay in Roobkan dabaysha watay uu khasaare soo gaadhsiiyey Dugsigii Sare ee Degmadda, Kii Hoose dhexe ,Cisbitaalkii iyo Guryo badan oo dadweynuhu leeyihiin iyo Weliba Xarunta dawladda hoose ee degmadda sallaxley.

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex waxaa kale oo uu sheegay in hal qof oo dumar ahi ay Kooma gashay kadib markii uu ku soo dumay Cisbitaalka degmaddu iyadoo laga saaray bukaanadii ku jiray Cisbitaalka degmadda Sallaxley.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this