Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeneydii xilka kula tartamaysay Madaxweynaha Dalka Belarus oo Qaxooti ahaan Dal kale isaga dhiibtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweeneydii xilka kula tartamaysay Madaxweynaha Dalka Belarus oo Qaxooti ahaan Dal kale isga dhiibtay

belaxil1.jpg

Svetlana Tikhanovskaja oo ah haweeneydii maalin ka hor looga “guuleystay” doorashada dalkaasi Belarus ayaa magangalyo siyaasadeed isaga dhiibtay dalkaasi Lituania oo jaar la ah dalkeeda, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibedda dalkaasi

Haweeneydan ayaa boqolkiiba 10 heshay codadka doorashada, waxaana ay xilligaasi sheegtay in eysan aqoonsaneyn natiijada kasoo baxday doorashada.

Madaxweynaha talada dalkaasi soo hayay lixdii sano ee u dambeeyay ayay kula tartantay kursiga.

Natiijada ayaa lagu sheegay in markii lixaad uu doorashada ku guuleystay madaxweynaha talada dalkaasi haya ee Aleksandr Lukasjenko kaas oo lagu sheego kaligii taliyaha ku dambeeya qaaradda Yurub.

Mr. Lukasjenko oo taageero ka haysta dalka dariska la ah ee Ruushka, ayaa waxaa uu talada dalkaasi soo hayay tan iyo sannadkii 1994-tii.

belaxil2.jpg

Svetlana Tikhanovskaja

Linas Linkevicius, wasiirka arrimaha dibedda dalka Lituania ayaa barteeda twitterka goor hore kusoo qortay in haweeneydan ay si nabad ah ugu sugan tahay dalkeeda.

Dibedbaxyo ballaaran oo ka dhashay natiijada doorashada dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay hal ruux, halka boqollaal kalena ah ku dhaawacmeen.

Mucaaradka dalkaasi ayaa sheegay in kumannaan taageerayaashooda ah xabsiga loo taxaabay kadib dibedbaxyadii ay ku muujinayeen kasoo horjeedkooda natiijada doorashada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this