Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo:Guri labadiisa dhinac lagu wareejiyey Biriish & Sababta+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Guri labadiisa dhinac la mariyay Biriish & Sababta+Sawirro

Buundo cusub oo laga dhisay waddanka Shiinaha ayaa soo jiidanaysa indhaha dadyowga dalkaasi kunool iyo Warbaahinta. Waxaana sheekadeedu ay sameysay hadal-heyn qaran gudaha Shiinaha.Sababta oo ah waxaa laga dul dhisay guri dherer ahaan u dhuuban oo ninkii lahaa uu iska diiday inuu ka guuro.

Dhaqanka Nail House oo ah in dadka laga daadgureeyo goob cayiman lana dejiyo goob kale si horumarin qaran looga sameeyo waa mid caan ka ah gudaha Shiinaha, laakiin sheekada ninkani waa mid ka duwan taas. Wuxuu iska diiday inuu qaato magdhowga lacageed oo dowladdu siiso dadka guryahoodu kusoo dhacaan hilinka horumarinta iyo dib-u-habeynta. Taas beddelkeeda wuxuu qaatay inuusan meelna uga dhaqaaqin gurigiisa. SIdaas darteed, dowladda waxaa qasab ku noqotay inay labada dacal ee gurigiisa dul mariso biriish highway ah.

Halkan Ka daawo Muqaalka Biriishka:-

 

bundo-1.jpg?resize=696%2C418&ssl=1 bundo-2.jpg?resize=696%2C393&ssl=1

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this