Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur: Shabaab hubka waa loo geliyey xabsiga dhexe waana qorshe NISA

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee dalka iyo weerarkii tooska ah ee shalay Galab ka dhacay xabsiga dhexe ee Xamar.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa marka hore ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay ku fashilantay amniga Muqdisho, islamarkaana ay sugi la’dahay xabsiyadeeda.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey weerarkii xabsiga dhexe inay ka dambeeyeen saraakiil ka tirsan ha’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya, wuxuuna shaaciyey in qorshuhu ahaa in la fakiyo xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee ku xiran xabsigaasi.

“Al-Shabaab ayaa hub loo galiyay Xabsiga dhexe ee Xamar, waana qorsho Nabadsugidda ka dambeyso madaama ay ku milan yihiin ragga ka tirsan Al-Shabaab.” ayuu yiri siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hoggaamiyo xibiga Wadajir.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo ka hadlay arrimo ku aadan marxaladda kala guurka ah iyo magacaabida r/wasaaraha cusub.

CC Shakuur ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in ra’iisul wasaaraha imaan doono looga fadhiyo inuu wax ka qabto amniga, fulinta waxybaahii ka soo baxay shirarkii dhowaan ka dhacay Dhuusamareeb iyo u diyaar garowga doorashada soo socota ee 2020/2021-ka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo  shalay weerar khasaare badan geystay uu ka dhacay gudaha xabsiga dhexe, kadib markii ay ciidamada dowladda la dagaalameen qaar ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsigaasi, waxaana weerarkaasi ka dhashay shaki iyo su’aalo badan oo ku aadan sida hubka ay ku dagaalameen ku heleen maxaabiistaasi.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this