Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uul ka tirsanaa maamulka Beledweyne oo toogasho lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa toogasho xalay lagu  dilay mas’uul ka tirsanaa maamulka degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Weerarka toogashada ah oo ay fuliyeen rag hubeysan ayaa waxaa lagu khaarijiyey marxuum Jeyle Gaarane Cabdulle oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii xaafadda Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in markii hore uu dhawaac soo gaaray, balse uu ku geeriyoday isbitaalka.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inay baxsadeen raggii fuliyey dilkaasi.

Waxaa sidoo kale goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano dheeraad ah ka sameeyey halkaasi.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga iyo maamulka oo ku aadan dhacdadaasi.

Ammaanka Beledweyne ayaa muddooyinkii la soo dhaafay faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal ammaan dari oo u badan dilal qorsheysan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this