Sign in to follow this  
Deeq A.

Cawad oo magacaabay xilal safaaradeed ka gaarsiis ah oo u badan hal beel (Xog)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sameeyey magacaabis is-daba joogo ah xilli xukuumaddii uu ka tirsanaa lagala noqday kalsoonida, lana sugayo dhismaha mid cusub.

Wasiir Cawad ayaa magacabay illaa 8 xubnood oo isugu jiro xoghayeyaal koowaad, Labaad iyo taliyeyaal safiiro oo wadamo kala duwan ah.

Xog ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegeysa in magacaabistaan la sameeyey kadib dhicitaankii Xukuumaddii uu hoggaaminayey Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, balse waraaqaha magacaabista lagu taariikheeyey 14 iyo 23 July ee 2020, si looga dhigo in la sameeyey intii ay xukuumadda jirtay, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda.

Xubnaha laga magacaabay ayaa sidoo kale u badan kuwa ku beel ah beesha Daarood, mana cadda waxa lagu saleeyey magacaabistan. Magacayada xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:

  1. Nasra Maxamed Maxamuud: Xoghayaha labaad ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Canada
  2. Farxaan Maxamed Diiriye: Xoghayaha labaad IT-ga ee safaaradda Soomaalida, Turkiga
  3. Ibraahim Xasan Maxamuud : Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Soomaalida dalka Turkiga
  4. Axmed Cabdi Bille: loo dalacsiiyey xoghayaha labaad ee safaaradda Soomaalia, South Afrika
  5. Ayaan Maxamuud Sheekh Xaamid : Xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaalida, Turkiga
  6. Axmed Ceydii Cusmaan: Xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya dalka Cumaan
  7. Culimo Cabdiraxmaan Macalin :La-taliyaha safiirka Safaaradd Soomaaliya ee Talyaaniga
  8. Ibraahim Bashiir Shariif : La-taliyaha koowaad ee safaaradda Somaalida.

7e4b1311-de69-4842-b3de-4dc36ffeff72.jpg ca63ccc4-a7b3-4552-b912-8b1eda1dbe8a.jpg e1fdf730-afce-43e6-91b1-3c3a9800b8fb.jpg ef7501c3-cd38-4220-a91c-346160bd7712.jpg 4b1ed870-a453-4a9c-a74e-9a4776395807.jpg 494d702a-e4e7-40f1-874c-08b15b4f9dd2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this