Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahin: Maxaabiis Shabaab ah oo weerar ka dhex fuliyey xabsiga dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar iyo rasaas ka dhacday gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, taasi oo ay fuliyeen qaar ka mid ah maxaabiista ku jira xabsiga.

Ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegay in maxaabiis ku jirtay xabsiga ay hub gacanta ku dhigeen, kadibna ay qaadeen weerar, ayaga oo la dagaalamaya ciidamada asluubta ee xasbiga ilaaliya.

Maxaabiistan ayaa la aamisan yahay inay ugu xirnaayeen xabsiga dhexe inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab. Illaa hadda ma cadda tirada maxaabiista ku lugta leh weerarka lagu qaaday ciidamada ilaalada xabsiga. Cidamada amniga ayaa weli hawlgal ka wada xabsiga.

Dadka ku dhaqan Degmooyinka Xamar Jajab iyo Xamar Weyne ayaa soo sheegaya inay aad u maqlayaan rasaasta la isku adeegsanayo iska horimaadka ka dhex socda Xabsiga Dhexe.

Ilaa haatan rasmi ahaan uma soo bixin khasaaraha ka dhashay rasaastan la isku weydaarsaday xabsiga dhexdiisa, waxaase wararku sheegayaan inuu jiro khasaare nafeed oo ka dhashay dhacdadan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this