Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Malaysiya oo galay Xarunta Telefishinka Aljazeera+Qalab ay ka qaateen

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliiska Malaysiya oo galay Xarunta Telefishinka Aljazeera+Qalab ay ka qaateen

aljazeera-KLpur-xafiis.jpg

Booliiska magaalada  Kuala Lumpur ayaa maanta gudaha u galay xafiiska Telefishinka Aljazeera uu  magaaladaasi ku leeyahay.

Qalabkii Kombuterada ee xafiiskaasi yaalay ayaa la sheegay inay qaateen booliiska, waxayna arrintan kusoo beegmatay kadib markii dowlada Malaysia ay sheegtay inay baaritaan ku wado telefishinka laga leeyahay dalka Qatar.

Xiisada ka dhextaagan Dowlada Malaysia iyo Telefishinka Aljazeera ayaa la xariirta barnaamijka (101 East) ee ka baxay telefishinkaasi 3dii Luulyo kaasi oo si gaar ah uga hadlayey qaabka dowlada Malaysia ulla dhaqanto Qaxootiga iyo dadka soogalootiga ah xiligii lasoo rogay xayiraadada iyo amarada la xariira ka hortaga cudurka Covid19.

Wasaarada Warfaafinta ayaa sheegtay in Telefishinka uusan ruqsad ka heysan duubista muuqaalka uu baahiyey, waxayna dowlada Malaysia sheegtay in qof aan heysan ruqsad uusan wax muuqaal duubi karin xataa hadii qofka wax duubaya uusan warbaahin u shaqeyn ama ku shaacinayo baraha-bulshada, arrintan oo keentay inay shacabka si weyn uga soo horjeesteen amaradan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this