Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdirisaaq Caato oo noqdey Anthony Scaramucci-gii Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdirasaaq Xuseen Aadan, oo loo yaqaan Cabdirisaaq Caato, ayaa shalay noqday mid ka mid ah raggii ugu cimri xilka gaabnaa siyaasadda Soomaaliya, markii laga qaaday xilka xoghayahii joogtada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha oo uu hayey toddobaad kaliya.

Cabdirisaaq Caato ayaa la mid noqday agaasimihii hore ee warfaafinta Aqalka Cad ee Mareykanka Anthony Scaramucci, oo uu Trump xilka ka qaaday toban maalmood un markii uu xilka hayey.

Caato iyo Scaramucci ayaa arrimo badan isaga mid ah, sida in labaduba la magacaabay bisha July, xilkana laga qaaday toddobaad ama toddobaad un ka badan markii la magacaabay, iyo inay xilka ku waayeen fudeyd iyo qaladaad ay sameeyeen.

Sidee lagu magacaabay xilkana ku waayeen Anthony Scaramucci iyo Cabdirisaaq Xuseen Aadan Caato?

Anthony Scaramucci

Madaxweyne Trump ayaa Scaramucci u magacacay agaasimaha warfaafinta Aqalka Cad 21-kii July 2017. Magacaabistiisa waxaa ka hor yimid Afhayeenkii Aqalka Cad ee xilligaas Sean Spicer, oo isla maalintii la magacaabay ku dhowaaqay inuu is-casilay.

Sida ay xilligaas werisay New York Times, Spicer ayaa iscasilay marii uu Trump ku wargeliyey inuu kasoo horjeedo magacaabista Scaramucci. Madaxii shaqaalaha Aqalka Cad ee xilligaas Reince Priebus ayaa sidoo kale si xooggan u diiday magacaabista Scaramucci.

26-kii July 2017, Ryan Lizza oo ka tirsan wargeyska New Yorker ayaa shaaca ka qaaday inuu soo wacay Scaramucci uuna ka codsaday inuu u sheego cidda siisay xog ku saabsan khilaaf u dhaxeeyay madaxa shaqaalaha Aqalka Cad Reince Priebus iyo la-taliyahii Trump ee xilligaas Steve Bannon.

Maalin kadib Scaramucci ayaa twitter soo dhigay inuu wedyiistay FBI-da inay baaraan Priebus isaga oo rumeysan inuu yahay qofka xog maaliyadeed oo isaga ku saabsan uu siiyey wargeyska Politico. Qoraalkaas twitter ayuu daqiiqao kadib tiray.

28-kii July 2017, waxaa is-casilay Preibus, waxaana Trump uu isla maalinkaas madaxa shaqaalaha Aqalka Cad u magacaabay jeneralka howl-gabka noqday ee John Kelly.

31-kii July 2017, Trump ayaa xilka ka qaaday Scaramucci, kadib markii uu sidaas dalbaday Kelly. Kelly ayaa Scaramucci ku sheegay nin aan aadaab lahayn, fudfudud, oo lumiyey kalsoonidii lagu qabay, kadib markii toddobaad gudihiisa uu qaladaad badan sameeyey. Scaramucci ayaa 10 maalmood gudahood ku helay kuna waayey mid ka mid ah xilalka ugu muhiimsan Aqalka Cad.

Cabdirisaaq Caato

25-kii July 2020, Sii-hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa saacado kadib markii la magacaabay wuxuu isna Cabdirisaaq Caato oo horey u ahaa agaasime ku xigeenka Villa Somalia, si ku-meel gaar ah ugu magacaabay xilka xoghayaha joogtadaha ah ee xafiiska ra’iisul wasaaraha. Xilkan wuxuu u dhigmaa xilka agaasimaha madaxtooyada oo kale, waana shaqsiga kala wada dhammaan howlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, oo ay hoos yimaadaan shaqaalaha xafiiska.

26-kii July waxa uu Cabdirisaaq Caato billaabay olole uu doonayey inuu ku xisaabiyo dhammaan baabuurta aanay xabadda karin ee ay isticmaali jireen shaqsiyaadkii ku dhowaa ama la shaqeyn jiray ra’iisul wasaare Xasan Cali kheyre, isaga oo doonaya inuu ka wada qaado.

29-kuu July, qaar ka mid ah shaqaalihii xafiiska Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo lasoo xiriiray Caasimada Online ayaa sheegay inay wajahayaan cadaadis badan oo dhanka shaqada ah, oo kaga imanayey maamulka cusub.

31-kii July, waxaa is-casilay agaasimhihii warfaafinta iyo xiriirka bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaraaha Calinuur Salaad. Calinuur Salaad ayaa la aaminsan yahay inuu kamid ahaa mas’uuliyiinta ugu dhowaa ra’iisul wasaarihii xilka laga qaaday ee Xasan Cali Kheyre. Calinuur ma sheegin in iscasilaaddiisa ay la xiriirto dhib uu ka tirsanayey Caato.

Galabnimadii 1-dii August, Cabdirasaaq Xuseen Aadan (Caato) ayaa xadgudub kula kacay Yaxye Cali Hareeri oo ka mid ah raggii sida aadka ah ugu dhawaa Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Yaxye Cali Hareeri oo watay gaari kuwa aysan xabadu karin ah ayaa hooygiisa ugu tegay Xasan Cali Kheyre, waxaana markii uu ka soo laabtay lagu celiyey afaafka hore ee madaxtooyada. Yaxye Hareeri waxaa la sheegay in askar ka amar qaadaneysay Cabdirasaaq Caato ay gaarigiisa isku geedaameen, isla markaana ay ku amreen in asaga iyo darawalkiisaba ay ka degaan, iyagoo sidaas ula wareegay gaarigii Hareeri.

Xildhibaano iyo siyaasiyiin aad uga carooday arrintaas ayaa u tagay Madaxweyne Farmaajo, iyagoo u sheegay in aanay u dulqaadan doonin hab-dhaqanka lagula kacayo raggii la shaqeyn jiray Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Isla shalay galab, Madaxweyne Farmaajo waxa uu la xariiray sii hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo uu ka dalbaday in Cabdirasaaq Caato uu si deg deg ah u bedelo, taasi oo Mahdi Guuleed uu horey ka fuliyey, xilkana ka qaaday Caato.

Cabdirisaaq Caato ayaa toddobaad gudihiisa ku helay kuna waayey mid ka mid ah xilalka ugu muhiimsan dalka.

Anthony Scaramucci iyo Cabdirisaaq Caato-ba waxay na barayaan cashar ku saabsan in marka xil lagu dhiibo, wax kasta oo aad horey maskaxda ugu haysayba, ay habboon tahay inaad marka hore sal dhigato, kadib qorshayaashaada aad tartiib u fuliso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this