Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo ku dhowaaqday dhismaha hay’ada batroolka (Aqriso magacyada xubnaha)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Kulankii Khamiis-laha ahaa ee golaha wasiirrada Soomaaliya waxaa lagu magacaabay sideed xubnood oo kamid ah 9-ka xubnood ee maamulka hey’adda Batroolka Soomaaliyeed, sida ay shaacisay xukuumaddu.

Ibraahim Cali Xuseen oo 6-dii sano ee lasoo dhaafay la-taliye sare ka ahaa wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa guddoomiye looga dhigay xubnaha maanta loo magacaabay maamulka hey’adda Batroolka Soomaaliya.

Sideeda xubnood ee maamulka hey’adda Batroolka Soomaaliya ee kuluhu maanta ansixiyey ayaa kala ah:

1 –Ibraahim Cali Xuseen (Guddoomiye)

2 -Caa’isho Cusmaan Axmed (Guddoomiye ku-xigeen)

3 –Ibraahim  Axmed Leyte (Xubin)

4 –Cabdulqaadir Aadan Maxamuud (Xubin)

5 –Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed, (Xubin)

6 –Axmed Xaaji Cabdi (Xubin)

7 –Cabdixaafid  Cali Dirir (Xubin)

8 –Iyo Mahad Maxamed Sheekh Xasan (Xubin).

Hey’adda Batroolka Soomaaliya waa markii ugu horeysay ee dalka laga aas-aasay, waxayna xukuumaddu sheegay in sababta loo aas-aasay ay tahay bilaawga qorshihii looga faa’iideysan lahaa kheyraadka dalka.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this