Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan looga hadlayey amniga oo xalay ka dhacay degmada Kaaraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulankan oo looga hadlayey arrimaha ammaanka Kaaraan ayaa xalay lagu qabtay xarunta degmadaasi oo muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacayeen falal amni darro.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, siyaasiyiin iyo waxgarad ayaa ka qeyb-galay kulanka oo lagu gorfeeyey amniga.

Abshir Kaaraan oo ah guddoomiyaha degmadaasi iyo taliyaha Booliska qeybta bari Khaliif Cabdulle Maalin ayaa si wadajir ah u cadeeyey in amni darada ka jirta Kaaraan ay caqabad ku tahay hormaro ay degmadaasi ku tallaabsan laheyd.

Sidoo kale waxgaradka meesha ka hadlay iyo siyaasiyiinta ayaa xusay inay muhiim tahay in si deg-deg ah wax looga qabto dhibaatooyinkaasi kala duwan.

Ugu dambey guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho oo kulanka ka hadlay ayaa ugu baaqay bulshada Kaaraan inay la shaqeeyeen ciidamada ammaanka, si looga hortago shaqsiyaad uu sheegay inay dhibaato xoogan ka wadaan gudaha degmadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this