Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub oo ka hor yimid xil ka qaadistii RW Xasan Cali Kheyre.

Recommended Posts

Deeq A.   

Brussels (Sh M Network) Midowga Yurub ayaa ka hor yimid go´aankii ay Xildhibaanda Baarlamaanka Soomaaliya xilka kaga tureen shalay RW Xasan Cali Kheyre , arinkaa oo ay ku sheegeen Midowga Yurub in uu yahay arin dib u dhac u keenaysa horumarka Soomaaliya.

Waa nasiib darro, arrimaha ka dhacay xarunta  Baarlamaanka shalay (Sabti) falkaasi oo  dib u dhac ku ah Soomaaliya, iyo kalsoonidii Midowga Yurub uu ku qabay horumarka Soomaaliya,” ayaa lagu sheegay war saxaafdeed uu soo saaray  Wakiilka Sare iyo madaxweyne ku-xigeenka Midowga Yurub  Josep Borrell.

Josep Borrell.ayaa ku xusay war saxaafadeedkiisa in Midowga Yurub uu si taxaddar leh dib ugu eegi doono sida ay ku timid dhacdadan  iyo cidda qaadanaysa mas’uuliyadda wixii dhacay  iyo ilaa heerka ay Soomaaliya ka weecin karto horumarka ay sameyneysay.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu xusay in habka loo maray xil ka qaadista Xasan Cali kheyre aysan waafaqsanayn qodobada Dastuurka Soomaaliya xitaa ma aysan buuxin shuruudaha ugu yar ee dastuuriga ah,” ayuu yiri

Waxa kale oo lagu xusay war saxaafdeedka uu soo saaray Josep Borrell in xil ka qaadistii Xasan Cali Kheyre in lagu soo beegay uun  maalin kadib markii uu soo dhamaaday shirkii Magaalada Dhuusamareeb  kaasi oo lagu balamay in shir kale la isugu yimaado 15-ka August.

War saxaafadeeddka ay soo saareen Midowga Yurub ayaa ku soo beegmaya iyadoo shalay ay Dawladda Maraykanka ay si adag uga hadashay kalsooni kala mooshadii xukuumadii uu hogaaminayey Xasan Cali Kheyre.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this