Sign in to follow this  
Deeq A.

Ceerigaabo: Laba Ardaa Oo Wada Dhashay Oo Heshiis La Dhex Dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Magaaladda Ceerigaabo waxaa maanta lagu qabtay kulan balaadhan oo lagu heshiisiyay laba ardaa oo walaalo ah kuwaas oo diriri hore ugu dhex martay deegaanka Fadhi-gaab ee Gobolka Sanaag.

Munaasibadda waxaa goob joog ka ahaa waftigii Xukuumadda Somaliland ee nabadaynta u joogay deegaanka Ceel Afwayn iyo madaxda dhaqanka ee labada ardaa ugu horayna waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Sanaag Eng Axmed Cismaan Xasan, waxaanu labada dhinac kula dardaarmay adkaynta nabada ay isla qaateen taas oo qayb ka qaadanaysa horumarka iyo amniga gobolka.

Waxaa kale oo iyaguna madashaasi nabadaynta labada ardaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed iyo la taliyaha Madaxwyanaha Cali Waran Cadde waxaanay ku booriyeen labada ardaa inay adkeeyaan nabadgelyada isla markaana iska Samir siyaan oo aanay dib u soo noqon xurgufihii hore u dhex maray labada dhinac.

Qaar ka mida madaxda dhaqanka labada ardaa ee dhawaan ku diriray deegaanka fadhigaab ee gobolka Sanaag ayaa madasha ka balan qaaday inay hirgalinayaan heshiiska nabada ee ay labada dhinac wada gaadheen iyaga oo sheegay inay ka shaqayn doonaan wadajira, nabada iyo iskutiirsanaanta bulshada labada dhinac.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this