Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan dhexmaray xalay M/weyne Farmaajo & Madaxda Maamul-goboleedyada Somalia oo ku dhamaaday Natiijo la’aan

Recommended Posts

Deeq A.   

 Kulan dhexmaray xalay M/weyne Farmaajo & Madaxda Maamul-goboleedyada Somalia oo ku dhamaaday Natiijo la’aan

 

Magaalada Dhuusamareeb, waxaa Xalay goor dambe ku soo dhammaaday Kulan Saacado badan qaatay ,oo halkaasi ku dhexmaray Madaxda Dowladda Soomaaliya & Madaxda Maamul- Goboleedyada Somalia.

Kulanka waxaa uu qayb ka ahaa Shirka Xukumada Farmaajo & Madaxda Maamul- Goboleedyada uga socda Dhuusamareeb, kaas oo looga hadlayo Marxaladda kala guurka ah ee Dalku Galay gaar ahaanna Arrimaha Doorashada soo socota.

 farmaajo-4.jpg

Kulankii Xalay, waxaa si adag looga dooday Hannaanka loo gelayo Doorashada soo socota, kaas oo laba mawqif oo kala fog la kala taagan yahay, waxaase Kulankaasi ku soo dhammaaday Natiijo la’aan islamarkaana wax isu soo dhowaansho ah kama dhicin.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa ku adkaysanaya in la qabto Doorasho qof iyo cod ah oo ku salaysan Sharciga uu ansixiyay Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, halka Madaxda Maamul-Goboleedyada ay ku doodayaan in wakhtigan dalka aysan ka dhici Karin Doorasho qof iyo cod ah, sidaas darteedna la aado Doorasho dadban.

Kulamada u dhexeeya labada dhinac, ayaa la filayaa in ay sii socdaan, inkastoo aan la saadaalin Karin halka ay ku dambayn karaan, maadaama laba mowqif oo adag la kala taaganyahay, islamarkaana uusan jirin dhinac weli tanaasul muujiyay.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this