Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo markale kulan xasaasi ah la qaatay madax goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan markale Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre uu xalay magaalada Dhuusamareen kula qaatay madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan magaaladaasi.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ahaa mid uu albaabada u xiran yahay, waxaana u dhammaa 5-ta madaxweyne dowlad goboleed ee ka jira dalka, sida Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug oo marti loo yahay.

Wararka ayaa sheegaya in shirkaasi uu qeyb ka ahaa kulamada hordhaca u ah shirka guud ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Kulamadaan oo shalay soo bilowday ayaa waxaa diirada lagu saarayaa, sidii la’isugu fahmi lahaa ajandayaasha lagu falanqeynayo shirkaas, maadaama ay weli jirto kala aragti duwanaasho u dhexeysa madaxda dowladda dhexe iyo maamullada dalka.

Shirka amniga qaranka ee Dhuusamareeb oo ah mid aad isha loogu hayo ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda dalka, gaar ahaan marxlada lagu jiro ee kala guurka.

Si kastaba ha’ahaatee shalay ayey aheyd markii ay kulmeen madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland oo si weyn uga soo horjeeda qorsha ay dowladda federaalka ee ku aadan doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020/21.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this