Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Dad Shacab ah Ku Laayey Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan nin la sheegay inuu ku la bisnaa  dareeska ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo maanta dad shacab ah ku laayey degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Weerarka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay sida la sheegay goob lagu tumo waxyaabaha loo yaqaanno minkiska, waxaana jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay, rasaas uu ninku riday dadkii goobta ku sugnaa.

waxaa Inta la xaqiijiyey ku geeriyooday weerarka uu geeystay ninka hubeysan 2 ruux, halka uu dhaawac ka soo gaaray 8 kale kuwaas oo badnaa haween kuna  sugnaa goobta , waxaana loo qaaday goobaha caafimaadka.

Waxaa muddooyinkii dambe magaalada Muqdisho ka dhacayey dilal ay geysanayaan rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda, waxaana ugu dambeysay dhacdadii dhowaan ka dhacday deegaanka Garasbaaley.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this