Deeq A. Posted July 19, 2020 Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka qayb-galaya Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka, ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Madaxweyne Deni oo todobaad ka hor Dhuusamareeb kaga qayb-galay Shirkii u gaarka ahaa Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxa uu markii Shirkaas soo xirmay dib ugu soo laabtay Garoowe, si uu uga qayb-galo Aas Qaran oo Garoowe loogu sameeyay Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi iyo Ex. Ra’iisul wasaare Xassan Abshir Faarax. Magaalada Dhuusamareeb, oo uu ka furmayo Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka, waxaa haatan ku sugan Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Khayre iyo dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo gaaray Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites