Deeq A. Posted July 18, 2020 Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyey Somaliland inay colaad hurin kaa waddo gobolka Sool oo maalmihii la soo dhaafay ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysay labada maamul. Dr Jaamac Faarax Xasan Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay ka dambaysay hurinta dagaal beeleedyo ka dhacay degaanno ka tirsan gobolka Sool gaar ahaan degaanka lagu Magacaabo Horufadhi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamo ka tirsan Somaliland ay ku sugan yihiin goobta uu ka dhacay dagaal beleedka, islamarkaana ay ka hor istaagay in ay taggaan deegaankaasi. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan eedeynta loo jeediyey. Somaliland iyo Puntland oo ah laba maamul oo daris ah ayaa isku haya gacan ku heynta degmooyin iyo deegaano ka kala tirsan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Somalia. View the full article Share this post Link to post Share on other sites