Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo eedeyn halis ah u jeedisay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Garoowe ayaa eedeyntii ugu cusleyd u jeedisay xukuumadda Hargeysa, taas oo saalka ku heysa dagaallo ka dhacay qeybi ka mid ah gobolka Sool.

Wasiirka caafimaadka Puntland,Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in Somaliland ay ka dambeysay hurinta dagaal beeleed ka dhacay deegaanka lagu Magacaabo Horufadhi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada Somaliland ay diideen in lagala dhex-galo maleeshiyaadka diriraya ee ku sugan Sool.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Somaliland ay dhibaato ka wada guud ahaan gobolka, islamarkaana ay geysay ciidan badan.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Somaliland.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaano ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag ka soo cusboonaaday dagaal beeleedyo geystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Labada maamul ee Puntland iyo Somaliland ayaa isku haya gacan ku heynta iyo maamulida deegaano ka kala tirsan gobolladaasi.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this