Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Galmudug oo Gaalkacyo ku qabtay gaadiid xamuula oo Dhuxul siday

Recommended Posts

Deeq A.   
2.jpeg?w=1000&ssl=1

Ciidanka Booliiska Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa maanta Koonfurta Gaalkacyo ku qabtay 10 gaari oo siday jawaanno Dhuxul ah, maadaama Dhuxusha horay looga  mamnuucay Galmudug, si loo badbaadiyo Degaanka.

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Galmudug gaashaanle dhexe Qaasim Shirdoon Cali, ayaa sheegay in sii wadayaan howlgalka lagu baacsanayo dadka sida sharci darada ah u jara dhirta si looga hor tago xaalufka ku imaan kara degaanka.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug, C/raxmaan Cali Diiriye, ayaa warbaahinta u ayaa sheegay in uu bogaadinayo ciidankii ku guuleystay in ay soo qabtaan gaadiidkan siday dhuxusha, isagoo intaas ku daray in jarista dhirka lagu mamnuucey wareegto madaxweyne.

Waxaa uu intaas ku daray in ka maamul ahaan ka go’an tahay fulinta awaamiirtaas ka soo baxday madaxda ugu sareysay Maamulka Galmudug.

Ciidanka ayaa gaadiidkan soo qabtay xilli ay isku dayayeen in ay si dhuumaaleysi ah dhuxusha ku geliyaan suuqyada magaalada Gaalkacyo.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Galmudug oo Gaalkacyo ku qabtay gaadiid xamuula oo Dhuxul siday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this