Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoonka diyaaradaha Beledweyne oo si KMG ah loo xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah waxa ay u joojisay shaqada garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne oo maalmo ka hor ay  u burburtay diyaarad laga lahaa dalka Kenya.

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka gaadiidka  iyo duulista hawada Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo tegay magaalada Beledweyne ayaa waxa ay la kulmeen saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM & mas’uuliyinta maamulka garoonka, si baaritaan dhab ah loogu sameeyo waxa sababay inay diyaaradda bur-burto.

Maareeyaha guud ee hay’adda duulista rayidka, Axmed Macalin Xasan oo ku sugan Beledweyne ayaa sheegay in si KMG ah loo xiray Garoonka Diyaaradaha Beledweyne, si baaris loogu sameeyo sababtii keentay in diyaaraddii sahayda u siday AMISOM ay burburto.

Wararka qaar ayaa sheegaya in masuuliyiinta gobolka Hiiraan ay ka caga jiidayaan, islamarkaana aysan raali ka aheyn go’aanka hakadka lagu galinayo howlhii shaqo ee garoonka Beledweyne.

Tallaabadan ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xilli shalay maareeyaha guud ee diyaaraddii ku bruburtay garoonka Beledweyne oo lagu Magacabo kabtan Xuseen uu sheegay in burburka uu sabab u ahaa kadib markii uu Dameer soo galay halkii ay ku dagi laheyd diyaaradda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this