Sign in to follow this  
Deeq A.

Maalqabeennada Dunida Ugu Taajirsan Iyo Madax Maraykan Ah Oo La Jabsaday Cinwaanadooda Twitterka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Maal qabeennada dunida ugu taajirsan Elon Musk, Jeff Bezos iyo Bill Gates ayaa ka mid ah shaqsiyaadka caanka ah ee dalkaasi Mareykanka oo cinwaannadooda Twitter-ka la jabsaday.

Siyaasiyiinta caanka ahaa ee cinwaannadooda Twitter-ka la jabsadayna waxaa ka mid ah Barack Obama, Joe Biden iyo Kanye West iyaga oo cinwaannadooda lagu dalbaday in tabaruc lacageed la sameeyo.

“Cid walba waxay i weydiineysaa inaan u soo celiyo,” farriin barta Twitter-ka Bill gates la soo dhigay ayaa waxay leedahay. “$1000 doolar ii soo dir anna waxaan ku soo dirayaa $2,000 oo doollar.”

“Waa wakhti nagu adag ka Twitter ahaan, waxay noo ahayd maalin adag u ahayd oo ay ku wareereen sida ay wax u socdaan, waxaanna dareemeynay werwer aad u weyn” ayuu yidhi Maareeyaha Guud ee Twitter-ka Jack Dorsey.

“Hadda waxaynu wadnaa baadhitaan aan ku ogaaneyno waxa dhacay iyo sida ay wax udhaceen waana la wadaagi doonnaa macamiishayada balse weli waxaan u baahannahay inaan si buuxda u ogaanno waxa dhacay” ayuu yidhi Mr Dorsey.

Mar sii horreysay, Twitter ayaa qaaday tallaabbooyin aan caadi ahayn oo uu ku joojinayo akoonnada badan oo sax ah oo ay calaamadda buluugga saaran tahay.”

Waxay shirkaddu sida oo kale joojisay codsiyada la xidhiidha in furaha cinwaannada la beddelo iyo in cinwaannada shaqeynaya la joojiyo iwm.

Laakinse waxaa la sheegayaa in haatan qaar ka mid ah ciwaanada saaran calaamadda buluugga ah ay u suuro gashay iney bartooda Twitter-ka wax soo dhigaan.

Dmitri Alperovitch, oo ah aasaasaha shirkadda u qaabilsan ammaanka dhanka internetka ee CrowdStrike ayaa wakaaladda waraaka ee Reuters uu u sheegay in dhacdadaani ay u muuqato mid tii ugu xumeyd ee lagu sameey bar ka mid ah baraha bulshada.

Barta Twitter-ka dadka caanka ah ee jabsashada lagu bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah fannaanka Kanye west, wariyaha reality TV Kim Kardashian, madaxweynihi hore ee Mreykanka Barack Obama, Musharraxa madaxweynanimada ee xisbiga dimuqraadiga Joe Biden, hantiilaha dhinaca warbaahinta Mike Bloomberg iyo shirkadaha waaweyn ee ay ka mid yihiin Uber iyo Apple.

Waxaa sida oo kale la xiray barta Twitter-ka ololaha doorashada ee Biden “waxaa la xiray cinwaankaasi daqiiqado gudahood waxaana meesha laga saaray baraha Twitter-ka ee la xidhiidhay”.

Afhayeen u hadlay Bill Gates wuxuu wakaaladda wararka AP uu u sheegay “Arrintani waxay ka mid tahay arrimaha waaweyn ee ay Twitter wajaheyso.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this