Sign in to follow this  
Paragon

Post Only (NEW) Kaban Songs

Recommended Posts

Paragon   

Umuley Jacayl -

 

Cabdi Gacan

 

Ali Kaban

 

 

 

jeexaygii midigeey

jamaal qurux wanaageey

jaleecadaan ku eegaa

jacayl igu abuurtoo

 

kaa joogi waayoo

jeegaan sideedii

wadnahaygaad jaratoo

qalbigaad dul joogtaa

 

Jowharadii aduunkaay

dhankaad iga jirta baa

ii jiidataayoo

jeedaaliyaa

 

__o0o__

 

Joogiyo muuq dheer

jaliil hibo ku siiyoo

Jiidhkaaga dahabka ah

Jaahaaga nuurka leh

 

Naftaydaa ku jamatoo

Sidaan kuugu jeel qabo

Jirkaa i dubaaxshoo

Kaa jiifi waayee

 

Jowharaddii aduunkaay

Dhankaad iga jirtaa baa

ii jiidataayoo

jeedaaliyaa wey

Jeedaaliyaa

.................... .......

 

Lyics by Ayaanle

Music and laxan Ali kaban

Madaale Studio 2009

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^Juxa, lol. Oo yaa weeye? Heesta ma cusba, ee kabanka ayaa cusub. Bal ii sheeg, yaa leh originalka?

 

Juxa, ma ii fiicnidoo abaayadiis smile.gif

 

LoZ, ninyoow meel cidlaad igu nacaysaa. Haddii aad si Alle ii nacdey iska sheeg laakin heesaha ha ku soo daba gaban. Taasi waa marmarsiyo, walaaloow. :D

 

I'm good sxb, how have you been? Ma sidii baad u dhaka dheer tahay. icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

Fu-fu, naxariissta ilaahey waa cajiib. allah does not forsake people, talentida comes different forms and shapes:)

 

ps: koleyba adigu waxad ku jirtaa kuwa laga naxeyn balse cant keep a note.

 

Humble, nabad runtii, belated ciid mubarak, waan kuu fiicanahay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^Run baad sheegtey, Juxa. Laakin Fufu maxaa ka saarey kuwa aan laga naxayn? smile.gif

 

Ciid mubaarak, walaaleey.

 

Fufu, dee waa sood bilaa suura, ma maqli jirtey? Illaahey waa sanca weyn yahay. Jiiskana waxa la yiri waxa lug loo tirey hadduu laba fiyoow lahaan lahaa aduunkaa ololi lahaa. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
MZanzi   

lool@cant keep a note..

 

LoooL Humble sxbow horta wax badana an ufiirsaday gabdho badan o waxan arkay marke kula hadlaan qalbiga muraayad camal kuqarxaayo lol laakin marka aragto moi kibaki u'eg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^Hayeh, bal ii warran adaa war hayee. Illeen odayaashu waa in eey sheekeeystaane. Lol.

 

Oo imisa jeer baad mid aad telefanka filin ugu jileysey kolkeey kuu soo bidhaan baxdey cagaha wax ka deydey?

 

Anigu illaa aan isha saaro kolka horeba juuqba telefan ugu ma iraahdo. Runta hadaan iska sheegana dee waxaan ka baqayaa anoo carar fakkad la ah aan rubbish bin ku dul kufo. Teedna iyadii aan ka fakanaayey ay anoo suuxsan i soo dul istaagto oo gawrac iigu jiiddo.

 

Waa suurta gale, ma garatay? smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

lol. waxmakuu sheegaa anigaa kanaxayee, dadkan aad ujeedo including fufu dhaxanta weyka xeroodeen oo midwalba cad doolsho ah iyo koob caano qabow baala soo hoos dhigaa habeenki.

 

anigu waxan ku dhihi lahaa, quruxdeeda iyo foolxumadeeda waji ku xeranmeyside, bisinka uqabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
MZanzi   

^lOl juxa usheeg yaaqe nin walba faxdiisa ayaa laqurxoon ee mid un shab hadhaho igaarka

 

 

humble..Awoowe lagama sheeken karo waxaan arkay..kuwo gaari gacan lagu wadana waan kala sheekeestay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Fufu, lol. Heerkaa ma gaarin ninyoow. Kuwa aad sheegtayba soo calaf doon ma aha? Allow ummada u sahal.

 

 

Juxa, Walaaleey xoolahaa xarooda.

 

Doolshaha iyo caanaha hadeey sun ii yihiinna? Kolleey qofba meel baa janna u ah uu dadka u tilmaamaa. Anna meel kalaan tiigsanayaa.

 

Wadartaan waaxid ka ka ahay, walaaleey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Sorry, sorry. Hadaayo i was in a rush.

 

Juxa, for a man who has a plan to start his own clan, your advise though very wise, takes away many useful years off his schedule.

 

5 years is even too long. And 4 wives too few. A clan has to be at least 50 men, and 50 women for convenient inter-marital links with other clans.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Zakinah   

I have developed an interest in Kaban music, i like wearing my fav dirac when i listen to it...But i hate the fact that its associated with chewing qaad,i bet u hada waxaad is laheedeen naagtu weey ku gudhaa lol. Faraanti is a gr8 song!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this