Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka degay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15947411250080431.jpg?w=1000&ssl=

Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta galinkii dambe ka degay magaalaa Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Ra’iisul Wasaare Kheyre waxaa socdaalkan Dhuusamareeb ku wehelinayay xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweynayaasha Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Dhuusamareeb u yimid ka qeybgalka wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb ee u dhaxeeya madaxda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kaas oo maalmaha soo socda furmi doona.

FB_IMG_15947411360465306.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15947411299671876-1.jpg?w=1000&ss FB_IMG_15947411816178624.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15947411776073807.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15947411685274040.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15947411615195776.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15947411518025216.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15947411430785177.jpg?w=1000&ssl=

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka degay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this